Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kullanka 74-aad ee Qaramada Midoobeey ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid tahay khilaafka kala dhexeeyo Kenya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sheegtay in ay ka soo horjeesatay dalabka Kenya oo markii hore lagu sheegay “in uu ahaa sannad in dib loo dhigo”.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysta xuduudda dhanka badda, taas oo sababtay in kiis ay Soomaaliya u gudbiso maxkamadda Cadaaladda Caalamka ee ICJ sannadkii 2014-kii.

Balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobeey ka sheegay in “Soomaaliya iyo Kenya oo xuduud ka wadaaga dhanka bad-weynta Hindiya, ay ku naaloon doonaan xiriir saaxiibtinimo oo nabad ah”.

Farmaajo ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay dooneyso in muranka badda ay xalkiisa gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, oo iminka kiiskaas uu horyaallo.

Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu habeen hore la yeeshay Uhuru Kenyatta ay isku raaceen in xiriirka labada dal la wanaajiyo islamarkaana arrinta muranka badda loo daayo maxkamadda ICJ.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid ayada oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu khudbaddii uu u jeediyey QM ku sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood.