Muqdisho-(Ayaamaha)-Al-shabaab ayaa war Kooban oo lagu daabacay Qaar ka mid ah Warbaahinta Internet-ka ay Wararka ku faafsadaan ayaa waxay sheegeen inay ku beegsadeen Qarax Ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya.

Sida la sheegay qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka la geliyo waxaana la sheegay in lala Eegtay gaari cabdi bile ah oo marayey Inta udhaxeysa Sabiib iyo Mareereey oo Duleedka Afgooye dhaca.

7 Askari oo Midkood Sargaalkii hogaaminayey ah ayey Shabaab sheegteen inay ku dileen Qaraxaasi.

Waxa Ay Magaciisa Al Shabaab ku sheegeen in la oran jiray Sargaalkaasi Maxamed Dheere.

Ma heyno warka Shabaab kasoo baxay Xog ka baxsan,iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo Qarax uu ka dhaco Deegaanada Sh/Hoose.

Wadada udhaxeysa Xamar ilaa Marka Cadeey Ee Dhinaca Xeebta dhacda ayaa sidaan oo kale Qaraxyo Saraakiil lagu dilay ay Bilo is xigta la beegsadeen Ciidamo Katirsan Dawlada Soomaaliya.