Diinsoor-Ayaamaha-Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobola Bay ayaa waxaa uu sheegayaa in weerar lagu qaaday Guddoomiyahii hore degmada DiinSoor ee Gobolka Baay Ibraajim Maxamed Nuur Shikshigoow

Weerarkaan lagu qaaday Ibraajim Shikshigoow ayaa yimid kadib markii guddoomiyaha uu ka biyadiiday xilka qaadis horay lagu sameeyay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo isugu jira daraawiishta Koonfur Galbeed Iyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa weerar culus ku qaaday guriga uu ka daganyahay degmada Diinsoor.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya in kastoo aanan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana ciidamadu ay isku dayayaan in meesha ay ka saaraan maamulkii hore ee Degmada Diinsoor si uu Maamulka cusub uu uga Howlgallo Xaruunta Degmada.

Wixii Warar ah oo kusoo kordha wan idinla socodsiinaynaa insha allah.