MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegayabin guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Muudeey ay goor dhow gaaray xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, halkaasoo kulan ay kula leeyihiin Madaxweynayaashi hore.

Kulankan ayaa daba socda kulankii maalin ka hor Madaxweynayaashi hore la qaateen Guddoonka labada Aqal, iyagoo farriin ugu dhiibey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan mowqifka Madasha ee doorashada.

Guddoomiye Mursal oo uu markaan wehliyo Guddoomiye kuxigeenkiisa C/weli Muudey ayaa farriin ka wada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo la wadaagaya Madaxweynayaashi hore.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaado waxaa la filayaa in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay la hadlaan warbaahinta, iyagoo faah faahin doona arrimaha laga wada hadlay.