MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka aan ka helayno garoonka ciyaaraha ee stadium Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow garoonka lagu weeraray Hoobiyaal.

Hoobiyaal ayaa ku soo dhacay Garoonka, waxaana ka socotay ciyaar lagu furayay Garoonka oo dayactir lagu sameeyay.

Majirto wax khasaare ah, hase yeeshee waxaa daqiiqado ka hor garoonka xariga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dib ugu soo laabtay xafiisyadooda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xafladii kasocotay garoonka Stadium Muqdisho ay baaqatay oo dib loo dhigay.

Galabta ayey aheyd markii qarax lagu qariyey meel qashin ah uu qarxay, iyadoo wax saameyn ah yeelan.