Wararka laga heleyo Shabeelada dhexe ayaa la sheegayaa inuu maanta ka dhacay Qarax Xoogan meel u dhow Deegaanka Qalimoow ee Wadada Aada Magaalada Jowhar.

Waxa la sheegay  qaraxaan in uu haleelay Gaari Xamuul Ah oo marayey inta udhaxaysa Qalimoow iyo Ceelka Geeloow.

Qaraxaan Gaariga haleelay ayaa waxaa ku dhintay Darawalkii Gaariga iyo Kirishboygii Gaariga xamuulka lasocday, iyadoo dadkale  oo Hoomeey saarnaa ay waxyeelo dhaawac kasoo gaartay qaraxaan.

Waxaa laga soo waramayaa in Jugta Qaraxa laga maqlay meel fog fog, waxaana lasheegay inay aheyd miinada dhulka lagu aaso.

Waxaa ayaantaan kasii daray amaanka wadada udhaxeysa Jowhar ilaa Balcad  waxaana soo la laabtay Qaraxyada Gaysta khasaaro kala duwan.