GAROWE-AYAAMAHA-Kulan xasaasi ah oo ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa lagu xaliyay khilaafkii ka dhaxeeyay madaxweynaha Puntland  iyo ku xigeenkiisa.

Ismada dhaqanka iyo Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku guulaystay in soo gabagabeeyaan khilaafkii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karash Munaasabad ka dhacay xarunta madaxtoyada.

Khilaadka ayaa la soo af jaray iyadoo Gacanta laysugu saaray Masuuliyiinta ugu saaraysa Puntland oo galabta balan qaaday in uusan soo laaban doonin khilaaf ku soo noq noqday dhegaha shacabka Puntland

Sidoo kale Isimada Puntland ayaa ku guuleystay inay isu keenaan labada masuul ee ugu saraysa maamulkas, kaddib waan waan maalmihii la soo dhaafay ay ka dhex wadeen labada Mas’uul, si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeyay.

Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob waxaana khilaafkaan uu soo jiitamayay in mudda ah iyada oo ugu dambeyntii cal laga gaaray.