MUQDISHO-AYAAMAHA-War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Kulankii u dhaxeeyay Madaxweynayaashii hore iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal iyo Kuxigeenkiisa 1aad C/weli Muudeey ayaa soo gabagaboobay.

Inkastoo war-saxaafadeedka kulanka aan lasoo saarin hadana ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal iyo kuxigeenkiisa Muudey ayaa soo jeediyay dalab ku aadan inay Madaxweynayaashi hore iyo Madaxweyne Farmaajo ay kulmaan, ayna caawa isu raacaan Madaxtooyada si kulanka u dhaco, hase ahaatee ay diideen.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa sababta ay u aqbali waayeen codsiga kulanka madaxweyne Farmaajo ku sheegay in horay ay ula kulmeen, balana ay kala qaateen, balse balankaas uusan waxaba ka fulin madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaashi hore ayaa haatan shir gaar ah la leh xubnaha Madasha Xisbiyada ee u badan Xildhibaannada labada gole, si ay warbixin uga siiyaan kulankii ay la qaateen Guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka oo haada socda ayey madaxweynayaashii hore warbixin ku aadan shirkii ay la qaateen guddoomka golaha shacabka ugu gudbinayaan xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.