Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweyneyaashii hore  ee dalka iyo  xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran oo Maanta kusii jeeday Magaalada Baladweyne ayaa loo diiday ka ambabaxaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar la helayo ayaa sheegaya in maamulka Garoonka lagu amray in aysan garoonka ka dhoofin Karin Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka, isla markaana la xanibay diyaaradii ay u raaci lahaayeen Baladweyne

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in Madaxweyneyaashii hore ee dalka laga joojiyo safarkii ay ku aadi lahaayeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale waxaa Goordhow Garoonk Aadan Cadde ka ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo kusii jeeda Magaalada Baladweyne.