Muqdisho-Ayaamaha-War goor dhow nasoo gaaray ayaa waxaa uu sheegayaa in Maxamed Qanyare Afrax  uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Qanyare AfraxQanyare ayaa horay usoo noqday Xildhibaan, Wasiir, waxaana uu mar ka mid ahaa xubnihii dagaalka kula jiray Maxaakiimta.

Allaha u naxariistee Qanyare Maxamed Qanyare Afrax ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku xanuusanayay, waxaana xilligaan uu ahaa nin ka baxay Siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ka shaqeyn jiray Arrimaha dib u heshiisiinta.