JOWHAR-AYAAMAHA-Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Gololeey oo kamid ah deegaannada hoostaga degmadaasi la soo dhigay meydadka 8 Ruux oo dhalinyaro ahaa.

Dhalinyaradan oo qaarkood ka shaqeynayay xarun caafimaad MCH iyo qaar kale oo degenaa deegaanka Gololey ayaa shalay laga qafaashay isla deegaanka.

Mid kamid ah ehellada dadka la dilay ayaa waxaa uu u sheegay in shalay dadkaasi Xarunta Caafimaad ay ka Shaqeynayeen laga afduubtay Maantana la dilay.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo Caanka ahaa degmada Balcad,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dadka dilkaasi ka dambeeyay,hayeeshee qaar kamid ah Ehellada ayaa waxaa ay sheegeen in wadaan baaritaan ku aadan dadka ka dambeeyay dilkaas.