MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Xisbi siyaasadeed ay ku midaysan yihiin xubnaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta lagu diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran.

Magaca Xisbiga ayaa loogu magacdaray  Nabad iyo Nolol, oo ah kan ay ku caan baxday xukuumadda hadda jirta markii uu talada qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xisbiga ayaa waxaan guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay.

Macada guddoomiyenimada Mahdi Guuleed ee ay  tahay qorshaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ee xisbigan iyo doorashada soo socota balse xogtaan ayaa sheegaysa in ay tahay mid kumeel gaar ah.

Ilo-wareedyo ku dhow Kheyre ayaa si kastaba sheegay in xisbiga uu wato madaxweynaha, xilka guddoomiyenimadana uu usii hayn doono Mahdi, inta ay kasoo dhowaanayaan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne balse macada.