DEG DEG:- Nabaddoonkii soo doortay Mahad Salaad oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaafada Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho ayaa koox hubeysan waxaa ay  ku dileen Nin Nabaddoon ahaa oo lagu Magacaabi jiray Nabaddoon Warsame Ismaaciil.

Kooxaha oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in Nabaddoonka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Gurigiisa oo kuyaalla Xaafada Baar Ubax ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirka uga dhufteen kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Nabaddoonka Maanta la dilay ayaa kamid ahaa Odayaashii ka qeyb galay doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan Mahad Salaad oo dhawaan loo Magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA.

Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka Maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay mid kamid ah Nabaddoonada ugu caansan Magaalada.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta xarunta ganacsi ee Som Oil oo xarunteeda ugu weyn ku taalo nawaaxiga isgoyska KM4, hayeeshee dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.