DEG DEG: Natiijada Doorashada Puntland ee Degmada Qardho oo lagu dhawaaqay

GAROOWE-AYAAMAHA-Natiijada Doorashada Puntland ee degmada Qardho oo ahayd halka ugu muhiimsan ee xudunta doorasha ee degmooyinka seddexda ah ayaa lagu dhawaaqay.

1- Ururka KAAH ee dawladda ayaa helay 12 Xildhibaan
2- Ururka MIDEEYE ayaa helay 11 Xildhibaan
3- Ururka SINCAD (Sinaan iyo Cadaalad) ayaa helay 9 Xildhibaan.

Natiijada ayaa ka dhigan in aan Ururna helin awood uu kusoo dhiso maamulka magaalada Qardho, codadka guud ayaa ahaa 33 Cod, Hal cod waxaa helay Urur kale.