Kismaayo-Ayaamaha-Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Dhagaxaan ay baabuurta is gediyeyaasha ah ku rogeen Waddooyinka qaar.

Waxa la sheegay in Wadada ka timaada Dalcada Xaafada Siinaay gashana Ceymiska Kismaayo la jaray.

Ceymiska waxaa deggan Ciidanka Ilaalada madaxtooyada waana mid ka mid ah Baraha Koontaroolka Ee Ciidamada ku hubiyaan Baabuurta usocota Madaxtooyada Jubbaland.

Baabuurta Dalcada ilaa Siinaay ka shaqeeya ayaa ka leexanaya Luuqa ku dhaw Ceymiska maadaama la jaray wadada Jaayga aheyd Ee ay mari jireen.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanka Laamaha Amniga Jubbaland oo ay kaga hadlayaan Sababta dhagaxaanta loogu xiray Waddooyinka qaarkood.

Lama oga Waddooyinka waxa dhagaxaanta loogu jaray xilli la sheegay in amniga la sugayo kadib Qaraxii iyo weerarkii tooska ahaa Ee shabaab ka geysteen 12 Bishaan Magaaladaasi.