Magaalada Colombes ee dalka Sri Lanka ayaa markale waxaa laga maqlay Jugta qarax  xoogan Goordhow ka dhacay deegaanka Deliwala oo ku yaalla Dalkaas, kaasi  oo sababay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaan ayaa noqonayaa midkii 7-aad ee Maanta ka dhaca gudaha dalka Sri Lanka,kadib markii waabaragii hore ee Saakay Silsilado qaraxyo oo gaaraya ilaa 6 qarax lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado ku yaalla dalkaasi.

Qaraxaan ayaa si gaar ah waxa uga dhacay Xarun lagu daawado Filimaanta  Xeywaanada duur joogta ah eek u taalla deegaanka Deliwala,isla markaana waxaa ku geetiyooday 2 qof,hayeeshee qaraxaan ayaa waxaa kusoo aadaya iyadoo weli lagu mashquulsan yahay kuwii hore ee ka dhacay dalkaasi.

Waxaa Sidoo kale sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado,waxaana dhimasho haatan ay mareysanaa 1 56,iyadoona ay ku jiraan 35 shisheeye ah oo wadamo kale u dhasha,halka dhaawacana uu ka badan yahay 250 qof.