MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax xooggan ayaa goordhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana qaraxaan jugtiisa laga maqlay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir iyada oo warar kala duwani ay kasoo baxayaan.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay  Wadada 21-October Gaar ahaan Meel u dhow dhabaha laga galo Garoonka Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen waxaana la xiray wadsooyinka soogala.