Muqdisho-Ayaamaha-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo goordhaweyd ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sida wararka sheegayaan Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay meel ku dhaw Shirkadda Dahabshiil xarunta Suuqaasi ay ku leedahay.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu xiray gaari noociisa uu yahay Hilux oo ay adeegsadaan illaalada Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Dad kusugan meesha qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in Qaraxa lagu xiray gaariga Hilux oo halkaasi taalay, balse ma cadda gaariga dadka leh & Khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka wadaan Baaritaano.