Boosaaso-(Ayaamaha)-War hada naga soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi qarax  lagula eegtay laba gaadiida ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso.

Sida aan warka ku helayno qaraxaasi ayaa waxaa uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa Ciidamada lagula eegtay xili ay ku socdaal ku marayeen Xaafad ka tirsan Boosaaso,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.