Muqdisho-(Ayaamaha)-Gaari Miineysan oo nooca raaxada ah ayaa goor dhow ku qarxay Waddada Maka-Al mukaramma ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo qaraxa lagu soo xiray ayaa la sheegayaa in uu lahaa Taliyaha qeybta Baarista CID Cumar Bile, kaas oo yiillay inta u dhaxeysa Aqalkii hore ee Shaqaalaha iyo Tree Biyaan.

Dhowaan ayay ahayd markii qaraxyo weerarro goobo ganacsi ay ka dhaceen Waddada Maka-Al Mukarrama oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.