MUQDISHO-AYAAMAHA-Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdalla Qaasim ee Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana la sheegayaa in lala eegtay gaari wadada marayay, In kastoo aan weli la xaqiijin.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa si weyn looga maqday xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo xiray aaga uu qaraxu ka dhacay.

Agaggaarka Maxtooyada Cabdi qaasin waxaa ku yaala jaamacadaha ugu badan muqdisho, waxaana dhigta arday farabadan inkastoo aan lasoo sheegin waxyeelo kasoo gaartay ardayda.

Bishii hore ee June 18-keedii ayey aheyd markii qarax noocan oo kale ah uu ka bad-baaday taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cali Bariise, kaas oo lagula eegtay agagaarka meesha uu maanta qaraxa ka dhacay, balse wuxuu khasaare xoogan qaraaas ka soo gaaray dad shacab ahaa oo la socday mooto Bajaaj.