Muqdisho-Ayaamaha-Wararka aan kahelayno degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta Barqadii uu halkaasi ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ka dhashay Miino nooca dhulka lagu aasa ah oo ku qaraxday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux oo uu ku jiray Nin Caan ka ahaa degmada Awdheegle kaas oo Magaciisa lagu sheegay Axmed Sheekh Cali iyo Shaqsi kale oo ay Shaqada ku wada jireen halka ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo kale.

Qaraxaan ayaa waxaa uu noqonayaa qarixii labaad ee ka dhaca degmada Awdheegle tan & markii ay la wareegeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Awdheegle weli kama hadlin qaraxaas.