Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay Magaalada Moqdishu gaar ahaan Degmada Howlwadaag kaas oo sababay inay argagax dareemaan shacabka reer Muqdisho oo isku diyaarinayay xilliga hurdada.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay guri lagu diyaarinayay.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan oo laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.