Muqdisho-(Ayaamaha)-Jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaana uu ka dhacay wadada Maka-almukarama oo ah waddo halboowla ah.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore Maqaayado laga cunteeyo oo  kuyaala agagaarka Hotelka Wehliye, waxaa sidoo kale goobtaasi kuyaalay maqaayado kale iyo xarumo ganacsi.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa in qaraxay ka dhashay, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo goobtaasi ka qaadaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.