MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow laga maqlay Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay xarunta Laanta ilaalada Canshuuraha oo ku taalla gudaha Dekadda Muqdisho.

Qiiq iyo uuro cirka isku shareertay ayaa laga arkayay Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana intaas kadib la maqlay rasaas badan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Labo Ambulance oo sida dhaawac ayaa ka baxay goobta qarax ka dhacay waxaana weli soco gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku yeeloobay qarax.

Weli lama Ogan karo tirada rasmiga ah ee wax ku yeeshay  Qaraxaasi balse wixii warar ah kusoo kordho wan idinla socodsiinaynaa insha allah.