DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa waxaa uu sheegayaa in aroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray xaruunta saldhiga ee deegaankaas.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa waxaa lagu dhuftay afaafka hore ee Saldhiga Ciidamada 21-aad ee degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay mar qura maqleen dhawaqa qarax xoogan, ayna sheeda kore ka arkayeen uuro madow iyo qiiq, isla markaana qaraxa ay daba socotay rasaas farabadan oo la maqlayay.

Nooca gaariga lagu weeraray saldhiga bacaadweyn ayaa la sheegay inuu ahaa Leyla calaawi.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka ayna gantaal ku dhufteen gaariga weerarka soo qaaday ayna dhinteen intii gaariga saarneyd

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lagu weeraray Saldhiga Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.