Afgooye-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax goor dhow uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil .

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa weli la ogeyn nuuca Qaraxa uu yahay,iyadoo Uuro cirka isku shareertay,dadka qaar ayaa sheegay in dhulka la gariirey.

Qaraxa waa lala eegtay goob lagu qaado Canshuur oo ku taalla Halka lagu Magacaabo Boodboodka, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan.

Lama ogaan karo Khasaaraha,balse weli xaalku waa cakiran yahay,rasaas ayaa dhaceysa mararka qaar oo aan la oegyn cida rideysa.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaaan in Qaraxa uu ahaa ismiidaamin.

Wixii war ah o kusoo kordha wan idinla socodsiinaynaa.