Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhaw magacaabay Saddex Wasiir oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada Somaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa lagu Magacaabay saddex Wasiir oo ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirada. Waxaana ayan kala yihiin.

1- Saalax Axmed Jaamac,Wasiirka Dastuurka.

2- Sadiiq Xirsi Warfaa wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

3-Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Wasiiradan cusub ee la magacaabay ayaa mid ka mid ah wuxuu yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, waana Sadiiq Warfaa.