DEG DEG:- Ra’iisul wasaare ROOBLE oo 48 sacadood u qabtay FAHAD YAASIIN

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in warbixintii ay NISA ka soo saartay kiiskeeda aan lagu qanci karin.

Rooble ayaa faray Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin in 48-saac gudahood uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan, wuxuuna sheegay inuu kadib qaadan doono go’aan.

“Waxaan shacabka la socodsiinayaa in markii ay ii soo dhameystiranto xogta aan u baahanahay aan ka qaadan doono go’aanka ku haboon kiiskaas oo aan la wadaagi doono dhamaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore sheegay in murugada iyo welwelka ka dhashay xogta Hay’adda NISA ee geerida Ikraan Tahliil la qeybsanayo qoyska iyo Ehelada Ikraan iyo shacabka Soomaaliyeed.

Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay xogta geerida ee NISA ka shaacisay Ikraan Tahaliil, isla markaana si Cad u sheegay in aan lagu qanci kari xogtii Hay’adda Nabadsugida, sidoo kalena aysan aheyn caddeyo ku filan kiiska.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay inay dareen ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed Arrinta Ikraan kuna dhalatay carro, sababtay in afduub loo geysto dhalinyaro aan wax lug ah ku laheyn kiiska.