DEG DEG:- Ra’iisul wasaare Rooble oo Farmaajo ugu baaqay inuu isaga baxo Villa Somalia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaraaha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa farrin adag u diray Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, isagoo ugu baaqay in Madaxtooyada isaga baxo lana mid noqdo Musharaxiinta kale.

Rooble oo wajigiisa ka muuqatay caro, ayaa sheegay in Farmaajo isku dayey inuu afgembi sameeyo, isagoo sheegay inuu rabo in doorashada boobo balse aan laga yeeli doonin, shacabka soomaaliyeedna ay isaga ka sugayaan doorasho hufan oo xalaal ah.

Guddiyadda doorashooyinka ayuu ugu baaqay inay sii wadaan doorashada, sidookalena shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayuu sheegay in dhawaan la qaban doono, maamul goboleedyadana ay kasoo qeyb geli doonaan, loona diyaariyey qalabkii logistikada ay ku imaan lahaayeen sida diyaaradahii iyo waxii lamid ah.

Rooble ayaa dhanka kale ciidanka dowladda ku amray in aan laga amar qaadan Farmaajo oo isaga keliga laga amar qaadan karo, hadii Farmaajo laga amar qaatana tallaabo uu ka qaadi doono qofka ka amar qaata Farmaajo.

Qoraalka Ra’iisul.wasaaraha.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla.

Farmaajo ka sakow inuu shuruucda dalka ku xadgudbay waxa uu saaka weerar ciidan ku soo qaaday xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta Golaha Wasiirada isagoo isku dayay in uu ka horjoogsado gudashada waajibaadkooda Qaran.

Waxaan mar kale shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in ay iga go’an tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho hufan oo horseedda in awoodda dalka si nabad ah lagula kala wareego, si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu dalka galiyay Farmaajo.”

https://fb.watch/a9saIHbYEy/