MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd   ayaa waxaa uu kamid ahaa ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland, wuxuuna sidaas oo kale ka mid noqday golihii wasiiradda ee u horeeyey ee uu dhisay Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf.

Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.