Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho waxaa caawa Kulan Xasaasi ah ugu socda madaxweynayaashii horre ee dalka,Xisbiyada siyaasadda iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo arrintii Maanta lagu xanibay Sheekh Shariif xili uu doonayay in uu u duulo Magaalada Kismaayo,hayeeshee loo diiday safarkaas oo la celiyay diyaaradii Kismaayo u qaadi laheyd.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasadda Soomaaliya,waxaana arrintaas iska xog-wareysanaya Mas’uuliyiinta uu kulanka haatan uga socdo Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo maanta soo saartay amar cusub oo lagu soo rogay diyaaradaha aadaya magaalada Kismaayo ayaa hortaag waxaa lagu sameeyay diyaarad siday wafdi uu hogggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Sheikh Shariif iyo madaxda Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa si aad ah uga carooday tallaabada ay ku dhaqaaqday Xukuumadda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kulankaas laga soo saaray,balse wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda dowlada Federaalka Soomaaliya ay war kasoo saari doono.