MUQDISHO-AYAAMAHA-Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay shil gaari kaas oo sababay khasaaro dhaawac ah gaadiid ku burbray.
Inta la xaqiijiyey afar ruux ayuu dhaawac soo gaaray kaddib markii gaari nuucyadda waa weyn ah uu jiiray afar mooto bajaaj oo marayay qeybo kamid ah degmadda waaberi ee Gobolka banaadir.
Afarta ruux ee dhaawacu uu soo gaaray oo uu kujiro mid kamid waddayaasha mooto bajajka ayaa loola cararay isbitaal.
Laanta ilaaladda waddooyinka ayaa gacanta kudhigay gaarigii dhibta gaystay oo ahaa gawaarida wa weyn rarka qaada.