DEG DEG:- Shir Albaabada u xiran yahay oo hadda Mucaarad ugu socda Muqdisho

Wararka Gudaha iyo Dibbada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goordhow magaaladda muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan hoyga uu ka degan muqdisho madaxweynii hore ee soomaliya shiikh shariif shiikh Axmed ahna Gudoomiyaha mudowga murshaxiinta ayaa shir uga furmay midwoga murshaxiinta mucaaradka.

Shirka oo aan horay loo shaacin ayaa waxaa uu ku saabsan yahay kuna soo aaday xaalada xasaasi ah oo dalka uu kujiro ayaa muqdisho ayaa waxaa uu uga socdo golaha wadatsjiga qaran oo doorshada looga hadlayo ayaa xogo aan ka helnay shirka waxa layga shegay in shirkaan ku saabsna go’aan ay ka qadan doonan mucaaraxaka arimaha doorshooyinka iyo madaxda mudda xiledkiisu idlaadaya maxamed cabdullhi farmaajo.

Shirka oo ay u dhan yihiin dhammaan mucaaradka, sida madaxweyniihi hore soomali Hassan sheekh Maxamuud, Xassan Cali Kheyre, siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warmse, Mustaf Dhuxuloow, Cabdikariin Xuseen Guleed, Daahir Geele iyo Gudoomiyaha Midwoga Musharaxiinta Mucaaradaka ayaa haatan ka socda hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, waxaana u xiran albabafa sida ay xoguhu shegayaan.

shirkan oo haatan ugu socdo Mucaaradaka ayaa kusoo aadaya iyadoo wali tagan khilaafaka farmaajo iyo rooble waxana sidoo kale uu kusoo aadaya iyadoo la filayo in shirka Golaha Wadatashiga Qaran laga soo saari doono qodobo dhowr ah lana soo gabogabeyn sacadaha  soo socda.