BELEDWEYNE-AYAAMAHA-War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Taliyihii Degamada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan xilka looga qaaday sababo laxiriira banaanbixii maanta laga joojiyey Beledweyne.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu xilkiisa kuwaayay abaabulka banaanbaxyadii maanta lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Hirshabeele ayaa shaqada ka Eryay Taliyihii saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Dhame Muuse Salaad Wehliye ka dib Markii la sheegay in Uu Qeyb ka ahaa Abaabul Banaan bax lagu Taageeri lahaa Xisbiga Ay ku dhawaaqday Dowlada federalku Kaasi Oo Gabi ahaanba la joojiyay.

Dhanka kale waxaa Digniin loo Diray Gudoomiyahii Hore Ee Gobolka Hiiraan cali Maxamed caraale Oo Ah siyaasi Ujanjeera dhinaca Dowlada Dhexe waxaana loo sheegay in Uusan Qaban qaabi Karin Kulamo lagu Taageerayo Xisbi siyaasadeed Ay ku dhawaaqday Xukuumada Dhexe.

Maamulka Hirshabeele ayaa 24kii saac Ee lasoo Dhaafay Qaaday talaabooyin aysan jecleeysa Doonin Dowlada Federalka Oo Horey uwanaagsanaa Xiriirkoodu Balsa iminka la dareemayo Mad madow soo kala dhax galay Waxana Kamida Taageeradii Madaxweyne waare Ee Go,aankii Aqalka sare Joojinta Dibad baxyo lagu taageerayay Dowlada Madaxweyne farmaajo iyo shaqo joojinta lagu sameeyay Saraakiisha ujanjeertay dhinaca Dowlada.