Weerar qaraxyo ku billowday ayaa kasocdo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay weerar qorsheysan oo ay horay u soo abaabuleen kooxaha argagixisada.

Waxaa weerka lagu qaaday dhisme uu ku yaallo hotel-ka caanka ah ee Dusit iyo xafiisyo kale, oo ku yaalla deegaanka Riverside Drive ee xaafadda Westlands.

Wararkii ugu dambeeyey oo aan kahelayno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada 3 qof, islamarkaana uu jiro dhaawacyo farabadan.

Daka kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa xaqiijiyey inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan.

Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah.

Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda weerarka fulisay, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay tahay kooxda Al-Shabaab.

Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay weerarkii ciidamada Kenya loogu gaystay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo looga dilay in ka badan 150 askari.

Dadka ayaa sheegaya in sanad-guuradii weerarkaas iyo weerarka hadda ka socda Naiorbi aysan si aan ku talo-gal ahayn isugu soo aadin, balse ay Al-Shabaab qorsheysay.