MUQDISHO-AYAAMAHA-Xeebta Liido ee magaalada Miqdisho oo galabta aad u kacsaneyd ayaa sababtay in Jamaladda xeebta qaarkood ay soo soo dumaan, waxaa halkaas dhagax weyni kula fariistay wiil dhallinyaro ah oo goobtaas ku sugnaa.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in gurmadkii dowladda oo soo daahay uu sababay in dhagaxa hoostiisa uu ku geeriyoodo wiilkaasi.

Markii dambe ayaa waxaa timid Cagaf kadiba dhagaxii kor u qaaday, sidaas ayaa lagu qaaday wiilka meydka ahaa.

Waa arrin naxdin leh, wiilkaan ayaa damaashaad u tagay xeebta liido waxaana timid waqtigiisa geerida.

Allah u naxariisto.