MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa wuxuu maanta soo gabagabeeyey afartii xeer ee dhameystirka u ahayd Sharciga Doorashooyin Qaranka ee heer Federal.

Golaha Shacabka BJFS oo laba todobaad si joogta ah u shaqeynayey ayaa siiyey muhiimad gaar ah in xeerarkaan ay ku dhamaadaan wakhtigii loogu tala galey.

Dhameytirka xeerarkaan ayaa waxay muhiim u ahaayeen in dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo.

144 ayaa ogolaatay
4 waa ka aamustay
2 way diiday

Lasoco faah faahinta