MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaweed cod aqlabiyad leh ku ansixiyey heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21.

252 mudane ayaa ogolaatay, halka 2 xildhibaana ay diideen, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan, sida uu guddoonka sheegay.

Madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ku heshiiyey sharciga waxaana maanta ansaxiyey labada aqal ee Baarlamaanka soomaaliya.