Muqdisho-Ayaamaha-Warar goor dhow soo baxay ayaa waxaa uu sheegayan in Dowladda Ingiriiska ay qaadatay Meydka guddoomiye Yariisow, waxaana ay sheegtay in baaritaan lagu sameyn doono in Yariisow dhaawacii u geeriyooday iyo in sun loo adeegsaday.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Airportka diyaaradaha Qatar laga dhoofiyey meydka eng. Yariisow si baaritaan caalami ah loogu sameeyo.

Horay ayaa Safaaradda Ingiriiska loo diiday in ay qaadato dhaawaca guddoomiye Yariisow oo Britain lagu daaweeyo, taas ayaana la leeyahay shaki badan ayey dhalisay.

Sidoo kale waxaa wali la ogeyn in Meydka guddoomiye Yariisow bari la keenayo, waa suuragal in waqtiga baaritaanku dheeraado.

Warar lagu kalsoonaankaro ayaa sheegaya in telephone loogu sheegay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sugan, isagoo ka yimid dhanka deegaanada Galmudug oo uu ku sugnaa bil ka badan.