Boosaaso-Ayaamaha-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo kulamo isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland ay uga socdaan magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan gobolka Bari.

Dani ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay dhibaato ka wado gobolka Bari, isla markaana ay ku howlantahay arrimo ku aadan iska hor keenidda Puntland iyo shacabkeeda.

Madaxweyne Dani ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad ka tirsan dowladda dhexe oo ka shaqeynaya, sidii ay isaga hor keeni lahaayeen xukuumaddiisa iyo odayaasha dhaqanka magaalada Boosaaso.

Dani ma carrabaabin shakhsiyaadkaas, balse waxa uu sheegay inay fariimo u soo diraan qaar ka mid ah waxgaradka, iyadoo ujeedadu yahay inay ka hor keenaan xukuumaddisa, si buu yiri khal khal siyaasadeed looga abuuro Puntland.

Odayaasha dhaqanka Puntland ayuu madaxweyne Dani ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida siyaasadeed ee maamulka, meelna iska dhigaan waxa aan dantooda aheyn sida uu hadalka u dhigay.