Garowe-Ayaamaha-Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in Shir Weyne wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka Reer Puntland, si mowqif midaysan looga qaato dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deni ayaa iclaamiyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay baal-martay Nidaamkii lagu doortay ee Federaalism-ka, islamarkaana ay marooqsatay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee waddanka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada dalka.