Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Denmark ayaa xudduudda ay la waadagto dalka Swedan soo dhigtay ciidamo boolis ah kuwaas oo baara gawaarida iyo dadka kasoo gudbaya xadka sababo la xiriira qaraxyo, weerarao xabado iyo amnidarro kale oo kusoo batay dalka Sweden.

Caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen ayaa sidoo kale laga dareemay amnidarrada, waxaana dhowr dhacdo ka dhacday ay boolisku la xiriiriyeen kooxo gangs ah oo kasoo jeeda dalka Swedan ama daggan halkaasi.

Booliska Denmark ayaa xarun “checkpoint” ka sameystay buundada Øresund taas oo isku xirta caasimadda Denmark iyo magaalo-madaxda saddexaad ee dalka Swedan ee Malmö.

Bishii lasoo dhaafay markii ay saddex weerar hal habeen gudihiis ka dhaceen meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada caasimadda u ah dalka Sweden ee Stockholm, waxay layaab ku noqotay shacabka halkaas ku nool. Waxay qaraxyo noocaas ah ka dhacayeen magaalooyin kale oo nawaaxiga ah, laakiin waligood bartamaha caasimadda ma aysan soo gaarin.

Ciidamada booliska ee dalka Sweden ayaa hadda la tacaalaya weerarro laga cabsi qabo inay ka dhacaan bartamaha magaalada caasimadda ah iyo tuulooyinka ku dhowba.

Khubarada bambooyinka ee ciidanka ayaa loogu yeeray inay wax ka qabtaan ilaa 97 walxaha qarxa ah sagaalkii bilood ee ugu horreysay sanadkan.

“Halkan ayaan ku koray aniga waxayna hadda u muuqataa in deegaanka uu qalalaase ku batay”, sidaas waxaa yiri Joel oo 22 jir ah.

Fal dambiyeedyadan lagama aqoonin Sweden sanadkii 2017-kii. Kadibna, sanadkii 2018-kii waxaa jiray 162 qarax, halka labadii bilood ee lasoo dhaafayna khubarada bambooyinka loogu yeeray ilaa 30 qarax.

“Bambooyinka gacan ku sameyska ah, kuwa wakhtiga lagu buuxiyo iyo bambo gacmeedyada” ayaa loo adeegsaday inta badan qaraxyadaas, sida ay sheegtay Linda H Straaf, oo ah madaxa laanta sirdoonka qaranka ee Sweden.

“Weerarradan waxaa inta badan fuliya kooxo burcad ah, iyagoo ujeeddadooduna tahay si ay u cabsi galiyaan kooxaha kale ee ay iska soo horjeedaan, ama saaxiibbadood iyo qoysaskooda”, ayey tiri Straaf

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas ku dartay: “Arrintan aad bay khatar u tahay, laakiin dadka intooda badan ma aha inay walwalaan, sababtoo ah iyaga saameyntu masoo gaareyso”.

Kooxo ka tirsan ciidanka booliska ayaa loo diray si ay ula soo shaqeeyaan khubarada ku takhasustay la tacaalista dambiileyaasha ee dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo Netherlands.

Sidoo kale waxay kaashanayaan ciidanka milatariga Sweden ee lasoo tacaalay qaraxyada Africa iyo Afghanistan.

“Waa xaalad ku cusub Sweden, sidaas awgeedna waxaan cilmi lagula tacaalo u doonannay caalamka”, ayuu yiri Mats Lovning, oo ah madaxa howlgallada amniga qaranka ee dalkaas.