Muqdisho-Ayaamaha-Wiil uu dhalay ninkii Angola 38 sano xukumayey ayaa maxkamad lagu soo taagay eedo musuqmaasuq ah, taas oo noqonaysa dhacdo dhif ah oo qof dabaqaddaa sare ka tirsan eed noocan ah loo soo qabto.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in Jose Filomeno dos Santos iyo dad lala soo eedeey ay intii uu ahaa madaxa sanduuqa hantida qaranka ee Angola ay dalka kala baxeen lacag shan boqol oo milyan oo doolar ah. hase yeeshee way beeniyeen eedda lagu soo oogay.

Dacwadan waxa loo arkaa in ay noqon doonto mid lagu bilkeediyo sida ay Angola uga go’anyahay la dagaalanka musuqmaasuqu.

Weriyaha BBC-da dalalka Afrikada Koonfureed uga soo warama, Andrew Harding, ayaa yidhi waa dhacdo lama filaan ka noqotay dal ku caan baxay musuqa saliidana hodan ku ah oo hadana saboolnimo dilootay.

Jose Eduardo dos Santos wuxu madaxweyne dalkaa ka ahaa intii u dhaxaysay 1979 ilaa markii uu is casilay 2017 ee uu xilka kala wareegay Madaxweyne Joao Lournco, oo ka tirsanaa isla xisbiga talada hayey ee MPLA.