Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday Degmada Warsheekh.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dabley qabiil ahaan u abaabulan ayaa si arxan darra ah u dileen dad isku qoys ahaa, iyadoo weerarkan uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Warsheekh.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Deegaanka Xaluule oo ah halka dilka uu ka dhacay ayaa lagu toogtay Shan ruux oo isku qoys ahaa, waxaana weerarkan lala xiriiriyay aanooyin qabiil oo hore isla gobolkaasi uga dhacay.

Shanta ruux ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka u geystay dadkaas.

Xiisad salka ku heysa dil wadareedkan dadka isku qoyska ahaa loo geystay ayaa saaka laga dareemayaa aagga degmada Warsheekh, iyadoo arrintan ay barbar socoto dadaalo ay hormuud u yihiin Odayaasha deegaanka oo isku dayaya iney xaaladda qaboojiyaan.