Muqdisho-Ayaamaha-Barnaamijka Galka Baarista waxa uu ku saabsan yahay inta ay la egtahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya, kadib markii ay soo baxday in gabdho la shaqeeya Al-Shabaab ay fuliyeen qaraxyii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019.

Qaabka ugu fudud ee Al-Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.

Sidookale waxyaabah fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha amniga dowladda oo dhowrkii biloodba is bedel lagu sameeyo.

                  Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.