Wararka aan kahelayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la dhaawacay mid kamid ah dhaqaatiirka Isbitaalka Ergodan Ex Digfeer oo ku yaala degmada Hodon.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqtarka uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen gaari uu la socday xili ay doonayeen inay ku furtaan wadada agagaarka Hotel Amiira oo la sheegay inay aad mashquul u aheyd.

Magaca Dhaqtarka ayaa lagu sheegay Dr. Cabdi Xaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Digfeer), isla markaana qaabilsan dhinaca caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka maqaayada Beder ee degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Askariga furay rasaasta ayaa sheegaya in la qabtay, waxaana la dabiibayaa dhaawaca dhaqtarka, iyadoo la sheegay in la dhigay qeybta Qaliinka ee isbitaalka Digfeer.

 

Ciidamada amaanka ayaa badanaa waxay rasaas ku furtan waddooyinka xiliga ay dareemaan mashquulka waddooyinka magaalada oo gaadiid badan ay ku kulmaan xiliyada qar.