Muqdisho-(Ayaamaha)_Dableey Hubeysan ayaa Galababta waxay Dil ka geysteen Magaalada Muqdisho,xilli Amniga Caasimada uu faraha kasii baxayo.

Maanta oo Sabti ah ayaa dad kor udhaafaya 10 Qof oo Shacab ah,xilli Waddooyinka Caasimada ay xiran yihiin oo ciidamada amniga ay gaadiidka udiideen.

Koox hubeysay ayaa waxay galabta galinkii dambe ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.
Kooxda dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana la ogeyn sababta wiilkaasi dadka deegaanka ka midka ahaa loo khaarajiyey.

Waxa uu dilka si gaar ah uga dhacay Meel kudhaw Mowlada Macalin Nuur Ee Xaafada Siigaale Degmada Hodan.