MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dib u bilowday dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo hakad u galay sababa la xiriira xanuunka Covid-19.

Waxaa maanta la arkayey gawaarida qallaabiyeyaasha ah ciidda iyo agabyada dhismaha ee culus qaada oo saf ugu jira howl-maalmeedkooda.

Jidka isku xiraya Muqdisho-Afgooye-Jowhar ayaa waxaa dhismihiisa fulinaya injineerro Turki ah, waxaana maalgelinaya dawlada Qadar, iyada oo ay ku baxayso lacag dhan 200 oo milyan oo doollar.

Waddooyinka isku xira magaalooyinka ayaa ka mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan dhaqaalaha ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka Somalia oo 30 sano dib dhac wayn ku habsaday, balse iminka soo kabanaya.