MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxyo is-xigxigay ayaa saaka aroortii hore lagu weeraray gudaha garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada, islamarkaana gaarayey illaa saddex ayaa waxaa lagu aasay dhismaha qeybta nasashada ee garoonkaasi, taas oo dhulka lala simay.

Ma jiro khasaare nafadeed oo ka dhashay qaraxyadaasi, marka laga reebo burburka dhismahaaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale sawirro lagu baahiyey internet-ka ayaa muujinaya saameynta ballaaran ee ay qaraxyadaasi ku yeesheen garoonka Buulo-Burte.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa qaraxyadaasi ku eedeeyey Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in xilliga ay dhacayeen aysan wax dad ah joogin garoonka.

Buul-Burte ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee ay weerada qorsheysan ka fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.